Skip to main content

TALAABADA 1: QORSHAYNTA WAXBARASHADAYDA

Qorshaynta waxbarashadaydu waxay ku saabsan tahay abuurista qorshe waxbarasho oo la habeeyey oo diiradda saaraya aqoonsiga iyo horumarinta xeeladaha waxbarashada.
Waxaad baran doontaa:

IS-WACYIGELIN

  • Maxaan qaban karaa?
  • Maaxaan u baahanahay si aan u horumaro?

DEJINTA YOOLKA & QORSHAYNTA

  • Waa maxay barashada aan jeclaan lahaa in aan gaadho?
  • Dejinta yoolalkayga waxbarasho
  • Qorshaynta ajandahayga is-waxbaris

HINDISAHA & LAHAANSHAHA

  • Fahamka xadidnaanta waxbarashada & suurtogalnimada
  • Xil iska saarista mas’uuliyada waxbarashadayda
  • Baadhista su’aalaha hagida iyo qiyaasaha
  • Raadinta fikradaha dadka kale

HAWLAGELINTA & MAAMULKA

  • Fahamka xeeladaha waxbarashadayda iyo sida ay u saameeyaan waxbarashadayda
  • Dooro & raadi khayraadka aan heli karo
  • Eeg horumarkayga
Waxaad u baahan doontaa inaad ogaato meelaha aad ku fiican tahay iyo meelaha aad ku liidato marka la eego heerka luqadaada si aad u dejiso yoolalka waxbarasho ee la gaari karo. Isla marka aad dejiso yoolalka, waa waqtiga aad diiradda saari lahayd xeeladaha aad isticmaali karto oo aad ka warqabto xadkaaga iyo kartidaada.
Si aad u qorsheyso una habayso yoolalkaaga waxbarasho, waxaad u baahan tahay inaad ogaato heerka aad hadda joogto iyo sidoo kale inaad fahanto qaybaha barashada luuqada aad u baahan tahay inaad diirada saarto horumarintooda.

Project: 2020-1-SE01-KA204-077915
This project has been funded with the support of the Erasmus+ programme of the European Union. The European Commission support for the production of this publication does not constitute an endorsement of the contents which reflects the views only of the authors, and the Commission cannot be held responsible for any use which may be made of the information contained therein.

@UPSIM2022